Nolosheenna waxa aynu la kulannaa kiisas badan oo been iyo khiyaamo ah marka aynu la macaamilno ama la hadlayno dad kale, cilmibaadhis ay samaysay Jaamacadda Massachusetts ayaa lagu ogaaday in 60% dadku ay been sheegaan 10kii daqiiqaba 3 jeer, nasiib wanaag. Qof kastaa wuu ogaan karaa in qofka kale ee la hadlaya uu been sheegayo iyo in kale isagoo adeegsanaya qaar ka mid ah calaamadaha jirkiisu sameeyo, laakiin marka hore waa inaad ogaataa sida uu qofkani u dhaqmayo xaaladdiisa caadiga ah, ka dibna u fiirso isbeddelka jirkisa. 10 calaamadood oo muujinaya in qofka kula hadlaya been sheegayo.



 

1- Si degdeg ayu beddelo booska madaxiisa:


Haddii aad dareento in qofka aad la hadlayso uu madaxiisa si degdeg ah u dhaqaajinayo oo uu si lama filaan ah u beddelo booska madaxiisa marka aad su’aal waydiiso, been buu kuu sheegayaa, ayuu yidhi Dr. Lillian: Haddii aad aragto wax isbedel ah oo ku yimaada dhaqdhaqaaqa madaxa sida inaad dib u soo celiso ama hoos u dhigto ama aad u yara leexiso midig ama bidix ka hor inta aanad ka jawaabin su'aasha, wuxuu inta badan sheegaa wax khaldan.


2- Neefsashadiisa oo aad u korodha:


Marka uu qofku been kuu sheego, waxu bilaaba inu si xoog leh u neefsado si ikhtiyaari ah sababtoo ah garaaca wadnaha oo kordhay iyo isbeddelka heerka socodka dhiigga sababtoo ah walbahaarka beenta .


3- in jidhkisa aanu dhaqdhaqaajin :


Qofku marka uu si caadi ah u hadlo si raaxo leh ayuu u hadlaa si dabiici ah ayuuna u dhaqdhaqaajiyaa gacmaha iyo jirkiisa, laakiin haddii aad dareento in qofka kaa soo horjeeda uusan haba yaraatee dhaqaaqin marka uu kula hadlayo, waxaa laga yaabaa in ay calaamad u tahay kacsanaanta iyo neerfayaasha asaasiga ah sida; natiijadii beenta uu sheegay in jirkiisu uu qaatay meel iska hor imaad ah.


4- Wuxuu ku celceliyaa isla weedhaha:


Calaamadaha beenta  waxa ka mid ah in uu qofku ku celceliyo ereyo ama weedho wax ka badan laba jeer inta uu hadalka gaaban ku jiro, isaga oo taas ka duulaya waxa uu wakhti ku qaataa in uu ururiyo oo uu fikirkiisa habeeyo.


5- Wuxuu dhaqajiyaa gacmihiisa si uu u qariyo meelaha qaar ee jirka:


Beenaalaha ayaa inta badan u dhaqdhaqaajiya gacmihiisa si uu u daboolo qaar ka mid ah jirka si aan ikhtiyaari ahayn, sida inuu daboolo dhabarka qoorta ama garka, ama inuu gacanta saaro caloosha ama uu timaha ka xoqo dhabarka.


Sidoo kale akhri:



7- Waxu bixiyaa macluumaad badan:


Marka qofka aad la hadlayso uu xog badan iyo tafaasiil badan ka bixiyo wax aad weydiiso, waxaa jirta fursad aad u wanaagsan oo ah in aanu runta sheegin.


8- Wuxuu isku dayaa inuu waqti helo ka hor inta uusan ka jawaabin su'aasha:


Inta badan beenaalehu waxa uu isku dayaa in uu wakhti lumiyo ka hor inta aanu ka jawaabin su'aal kasta, oo uu ka baxsado jawaabta si cad.


9- Wuxuu ku eegayaa si joogto ah:


Waxa la isku raacsan yahay in  qofka beenaalaha ahi uu ka cabsado inuu dadka kale eego si aanay beentiisa u ogaan, balse waxa jira beenaalayaal inta ay wada sheekaysanayaan isha ku haya qofka inay  si ay u khiyaameeyaan oo ay u xakameeyaan, balse arrinta kashifaysa ayaa ah waa in ay ku dheygagaan qofka ka soo horjeeda iyaga oo aan indhaha isku qabanyn


10. Wuxuu bilaabaa dhidid


Marka uu qofku been sheegayo waxa uu noqdaa mid kacsan oo aan ku raaxaysanayn wada hadalka,taasina waxa ay keentaa in hab-dhiska neerfaha uu ku dhaco xaalad aan deganayn,waxana taasi ay keentaa in uu dhididka ka soo baxo qaar ka mid ah jidhka sida foodda ama faruuryaha sare.



Qofku inta badan waxa uu beentiisa ku qarsadaa hadal macaan iyo hadal ka baxsan,laakin qofna si kasta oo uu xirfad u leeyahay ma qarin karo dhaq-dhaqaaqa jirkiisa iyo falcelinta aan qasabka ahayn ee jirkiisa. Laakiin tan ugu muhiimsan waxaas oo dhan waa dareenka  qofka qaabilaya hadba xaalad kasta, haddii aad haysatid siyaabo kale oo aad ku ogaan karto beenta nagula wadaag faallooyinka.


 



Post a Comment

Previous Post Next Post