Guushu waa awooda uu qofku ku gaadhi karo wax kasta oo uu ku hamiyo, haday ahaan lahayd xagga noloshiisa gaarka ah ama mid xirfadeed, waa baahi lama huraan ah oo qof kastaa uu raadiyo, marka la soo koobo waxa aynu odhan karnaa guushu waxa ay ka mid tahay waxyaalaha ugu waaweyn ee uu qofku gaadhi karo Noloshiisa, anniga oo tixgelinayna muhiimadda ay guusha u leedahay nolosha qofka, waxaynu ku eegi doonnaa sadaradan soo kobobida buugga Tobanka fure ee guusha ee uu qoray Dr. Ibrahim El-Feki.

10-tobanka fure ee guusha ( soo koobida buuga)

 

Furaha koowaad: dhaqaajiye 


Qoraagu waxa uu ku tiriyaa in dhaqaajiyahu uu yahy furaha guusha lagu gaadho, maadaama ay qofka ku dhiirigaliyaan in uu awoodiisa oo dhan ku riixo si uu u  gaadho yoolka uu hiigsanayo noloshiisa, isaga oo isticmaalaya dhammaan dariiqooyinka iyo hababka sharciga ah ee uu heli karo.


Furaha labaad: tamarta


Xikmadduna waxay tidhaa maskaxda fayow waxy ku jirtaa jidhka caafimaadka qaba, qoraagu waxa uu tilmaamay inay jiraan afar nooc oo tamar ah oo kala ah tamar ruuxeed, jidheed, maskaxeed iyo mid nafeedba, waana inaad dabaysaa dhammaan si aad u ilaaliso dheelitirnaantaada,iyaga ayaa kaa caawin doona dhamaadka si aad  guul u gaarto 

10-tobanka fure ee guusha ( soo koobida buuga)



Furaha saddexaad: xirfad


Guushu waxa ay u baahantahay in aad wax barato, oo aad dadaasho, oo aad u dadaasho si aad u kasbato aqoon iyo dhaqan, taas oo kaliya ayaa aad ku dhisi kartaa beri wanaagsan iyo mustaqbal barwaaqo ah, dhamaan dadka waawayni waxa ay ku gaadheen guulaha ay gaadheen aqoontii ay barteen sanadahii noloshooda.


Furaha Afraad: Aragti mustaqbal 


Aragtida ama male-awaalka waa furayaasha ugu muhiimsan ee horseeda guusha, dhammaan guulaha uu bini’aadmigu gaadho mar waxa ay ahaayeen riyooyin iyo wax lamala awaalay , haddaba waa in aad ogaataa in mala-awaalku yahay bilowga hal-abuurka , kana muhiimsanyahy aqoonta lafteeda.

10-tobanka fure ee guusha ( soo koobida buuga)

Furaha shanaad: ficilka 


Guul ma  gaadhi kartid haddii aanad ku dhaqmin aqoonta aad baratay, cilmiga kaliya kuguma filna, waxaana daliil u ah in ay jiraan dad garanaya waxa ay u baahan yihiin si ay u guulaystaan ​​balse aan hal tallaabo u qaadin. Taas awgeed waxay si joogto ah ayay u guul daraysteen dhinac walba.


Furaha Lixaad: Filasho wacan 


Qoraagu waxa uu arkaa in waxa aad maanta tahay ay ka dhalatay qaabka aad u fikirayso, wax kasta oo aad si kalsooni iyo yaqiin leh u filayso waxa ay dhab ahaan u dhici doonaan noloshaada, markaa waxa loo baahan yahay in aad kalsooni buuxda ku qabtid in aad guul gaadhi karto runtii waxay kaa caawinaysaa inaad gaadho hadafkaaga.

10-tobanka fure ee guusha ( soo koobida buuga)

Furaha toddobaad: isku waajibin 


Thomas Edison  waxa uu toban kun oo jeer ku celceliyay tijaabadiisi ka hor inta aanu ku guulaysan in uu ikhtiraaco laambada Korontada, runtii, isku waajibintii iyo niyad jab la’aantiisa, waxa uu ku guulaystay in uu gaadho guulihii ugu waaweynaa noloshiisa . Isku waajibintu waa awood gudeed oo qofka ku riixaysa inu shaqada ku dadaalo si loo soo saaro dhammaan awoodaha iyo suurtogalka si aad ugu dambeyntii u gaarto guul.


Furaha Sideedaad: furfurnaanta 


Qoraagu waxa uu aaminsan yahay in ku celcelinta isku dayga aan faa’iidada lahayn ee aan guul ku horseedi doonin in aanay natiijada waxba ka beddeli doonin,, sidaa awgeed isku day in aad noqoto qof furfuran xaga fikirka oo raadi habab cusub oo isku day, waayo waxa laga yaabaa in ay kuu horseedo guusha aad hiigsanayso.

10-tobanka fure ee guusha ( soo koobida buuga)

Furaha sagaalaad: samir


Thomas Edison waxa uu yidhi (Kuwa ugu badan ee nolosha ku guul daraystay waa dadka aan garan sida ay ugu dhow yihiin guusha marka ay quustaan), waa in aad samirtaa oo aad u dadaashaa si aad ugu dambayn guul u gurato.


Furaha Tobnaad: joogtayn 


Qoraagu waxa uu sheegayaa in qofka guulaysta uu awood u leeyahay in uu joogteeyo hawlihisa, sidaa awgeedna uu kor u qaadi karo noloshiisa,  heerka caafimaadkiisa, dakhligiisa iyo taam ahaanshihiisaba.Sidoo kale waa in aad ku raaxaysataa joogtayn nafsiya si aad u dhisto nolol wanaagsan oo aad u gaadho guusha aad ku riyoonayso.


 


Waxaan rajaynayaa inaad saxibayal ka faa'iidaysan doontaan soo koobidda buuggan, waxaanan si dhab ah u doonayaa inaad furayaashan dhaqan galisaan haddii aad rabtaan inaad gaadhaan guul iyo heer sare noloshiina.


Hadad dhamadka soo gaadhay nala wadaag ra’yigaa ,mahadsanid 


10-tobanka fure ee guusha ( soo koobida buuga)

Post a Comment

Previous Post Next Post