Waxaynu ka waramynaa maanta, saynisyahankii ugu caansanaa taariikhda mulkiilaha in ka badan 300 oo ikhtiraacood oo cilmiyaysan, oo ku guulaystay abaal marinta Nobel Prize ee cilmiga fiisigiska,, waa Albert Einstein. oo guushaas may ahayn mid iska timid, oo aan ku iman si kadis ah, balse, waxay ahayd natiijada qorshayaal suubban iyo fikiro qoto dheer. Waxa aan kuu soo bandhigi doonaa wll, tallo uu Albert Einstein inna siiyey intii uu noolaa, taas oo ahayd sababta ugu weyn ee uu u guulaysto.Lix oraah oo ay muhim tahy inad ogaato 


1. Einstein wuxuu yidhi: "Weligay kama fikirin mustaqbalka, sababtoo ah wuu iman doonaa dhawaan."


Ma haboona inad waqti iskaga lumiso ka fikirka mustaqbalka, waxaa aad muhiim u ah inad gaarto isku dheelitirnaanta hadda iyo mustaqbalka, sidaa darteed waa in aad ku noolaata waqtigan oo ku dadaasha si uusan waqtigaaga ugu lumin mustaqbalka soo socda, hadhowna uga qoomamen waqtign aad iska dayacday 


2. Einstein wuxuu yidhi, "Fikradu maaha inaan caqli badan ahay, laakiin waxa aan wakhti badan ku bixiyaa xallinta dhibaatooyinka."


Ma jiro nolosha qof caqli badnaan dhamystiran leh ama doqonnimo dhameestiran leh, lkn waa in uu jiro qof aaminsan kartidiisa iyo awoodihiisa,  una dadaala si daacadnimo ku dheehantahy oon ka daalin ama ka caajisin in uu gaaro yoolkaas.


3. Einstein wuxuu yiri: “Ma lihi xirfad gaar ah. Kaliya waxaan hayaa xiisaheeda>


Awoodaha maskaxeed kuma filna in la gaaro guulo, awoodaha maskaxeed waa in ay la socdaan xiiso ilaa qofku gaaro meesha ugu fog ee uu ku hamiyo,mar walba xiisahaga bato, waa mar walba ood ku guulaysato inad samyso wax aan macquul aheen.


4. Einstein wuxuu yidhi: “Aqoontu maaah macluumaad, isha kaliya ee aqoontu waa khibrad iyo waaya aragnimo


Aqoontu maaha mid laga helo macluumaadka aad ka hesho dugsi ama jaamacad ama xitaa maktabadda dadweynaha, aqoonta dhabta ah waa tan ku timaada sannado badan oo shaqo iyo dadaal ah, iyo waayo-aragnimo dareen ah oo la taaban karo, u fiirsasho taxadar leh, iyo tijaabooyin cilmiyeed oo joogto ah.


5. Einstein waxa uu yidhi: “Ninka aan khalad samayn waligii wax cusub iskuma dayin”.


Qofna ma gaari karo yoolkiisa isku dayga koowaad ama xitaa isku dayga shanaad, guushu kuma timaado si fudud, guushu waxay ku timaaddaa guuldarrooyin isdaba joog ah, guushu waxay ku bilaabataa khalad, khaladkuna wuxuu caawiyaa barashada iyo helitaanka khibradda lagama maarmaanka u ah si loo gaaro yoolka.Oo lagu guulaysto 


6. Einstein wuxuu yidhi: "waxa waali ah inad Hal shay marar badn samyso oo aad filato natiijoyin kala duwn 


In aad ku celceliso khaladkii hore oo aad wax ka baran waydo waa waali, waa in aanad ku celin khaladkii aad gashay waa inad samysaa xeelad cusub oo aad kaga foganyso khaladaadkii hore,hana filanin in aad guul gaadho marba haddii aad raacayso xeeladihii kugu horseeday guuldaroyinkii hore. 



Akhristaha sharafta lahow...Talooyinkan ayaa Albert Einstein ka caawiyay in uu guul gaadho,ha ka waaban in aad raacdo tilmaamahan ilaa aad ka gaadhayso guusha aad hiigsanayso. 


Post a Comment

Previous Post Next Post