Kalsoonida nafta ayaa ah dareen nafteena u sheega in aanu awoodno oo aynu samayno wax aan macquul ahayn , balse nasiib daro guul darada iyo caqabadaha soo noqnoqda ee ina soo wajaha waxa ay keenaysaa in aynu kalsoonida nafteena lumino taasina waxa ay saamayn taban ku yeelanaysaa nolosheena , sidaa daraadeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in la ilaaliyo kalsoonidaas baahida loo qabo awgeed , maadaama ay tahay hub aan kaga gudbi karno dhibka iyo helitaanka guusha,sidaa darted waxn donaya ,wll ,inan kuu soo bandhigo 6 sir oo ku siinaysa kalsoonida naftaada.
Sirta koowaad: deji waxa mudnaantaada nolosha ah
Dhammaanteen waxaynu leenahay yoolal shakhsi ah, laakiin inta badan way yar tahay cid u ka hor Marisa siday ukala mudanyihiin , waxaana aad u yar intaynu u dejino qorshe cad oo ku wajahan sidii loo gaari lahaa guul. Hadaba hadad doonayso inaad noloshaada guul ka gaadho oo kalsonidadu korodho waa inaad noloshaada ku xidhaa ahdaaf
Cadcad ood ukala horaysiisaa sidy ukala mudan tihiin una dajisaa istaraatiijiyada gaara ood ku xaqiijinayso.
Sirta Labaad: Qaado Mabaadi'daada iyo Qiimahaaga
Waxaa loola jeedaa mabaadi'da iyo qiyamka (fikirka, ra’yiga , xorriyadda, hababka isgaarsiinta, jacaylka, dhalashada, bini'aadminimada, caadooyinka iyo, caqiidada...) kuwaas oo dhammaantood ka kooban sifooyinka shakhsiyaddaada oo qeexaya aqoonsigaaga la'aantood adiga ma lahaan doontid wax jiritaan ah oo waxaad dareemi doontaa daciifnimo, sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in aad dhisato mabaadi' iyo qiyam kuu gaar ah , markaa waxaad dareemi doontaa inaad tahy mid gaar ah oo waxaad awoodi doontaa inaad la xiriirto oo aad la falgasho dadka, taasina waxay ku siin doontaa kalsooni iyo karti dheeraad ah. si loo gaaro guul. (Sirtan waxy ku siin dontaa kalsooni)
Sirta Saddexaad: Ogow meelaha aad ku liidato
Bini’aadamka oo dhami waxa uu leeyahay meelo uu ku wanaagsan yahay iyo meelo uu ku liito,hadii aad u fiirsato kaliya meelaha aad ku liidato waxa hubaal ah in aanad naftaada ku kalsoonayn,sidaa awgeed isku day in aad xoogga saarto meelaha aad ku fiican tahay,sida in aad xasuusato xirfada aad leedahay, guulihii hore ee aad gaadhay. Dhamaan guulahaagi hore oo dhan ku qor warqad oo kasoo laalaadi qolkaga si aad mar walba u xasusato tani waxay kor u qaadaysaa kalsoonidaada oo waxaad awood u yeelan doontaa inaad hore ugu socotid jidka guushada . (Sirtan waxy ku siin dontaa kalsooni)
Sirta Afaraad: u fakir si togan
Fikirka taban qofka wuu niyad jabiya oo xooggiisana wuu yareeyaa waxanu ku riixaa inuu is dhiibo oo uu mar walba dib u gurto, halka fikradaha wanaagsani ay qofka ku riixaan inuu dhanka wanaagsan ka eego nolosha, taasoo ah inuu arko in guul-darradu ay tahay bilowga waddada guusha lagu gaari karo. Oo guul-darradu ay tahy waayo-aragnimo uu wax badan ka kororsan karo, fikirkaa wanagsani waxa uu ku dhiirigalinaya inu dadaalo ilaa uu ka gaadho yoolka uu rabo, waana tan ka dhigaysa inuu ku kalsoonaado naftiisa iyo kartidiisa. (Sirtan waxy ku siin dontaa kalsooni)
Sirta 5: Dhiirigeli naftaada
Nasiib darro waxa inagu xeeran dad niyad jabsan oo dantoodu tahay in ay Ina daciifiyaan oo kalsoonidena nafta inaga qaadaan , ee iska daa dhegaysigooda, iskuna day in aad iska dhega tirto oo aad dhex gasho dadka togan ee faafiya yididiilo iyo wanaag meel kasta oo ay joogaan, dheh waan ku kalsoonahay naftayda , waxaan ku guuleysan karaa wax aan macquul aheyn,waan guuleysan karaa, maskaxdaada hoose (Baadin) ah ayaa tani saameyn doontaa oo waxaad u dhaqmi doontaa si waafaqsan was aaminsantahy taasina waxay kordhin doontaaa kalsonidada . (Sirtan waxy ku siin dontaa kalsooni)
Sirta lixaad: horumari xirfaddaada shaqsiyeed
Xirfadahaga shakhsi ahaaneed ee aad leedahay waxay kaa dhigayaan mid aad uga dhex muuqda dadka oo door weyn ku leh kordhinta wax soo saarkaaga shaqada, markaa hubso inaad kobciso xirfadahan adigoo sii wadaya waxbarashada, tababarka maalinlaha ah, ka qaybgalka aqoon-isweydaarsiyada, daawashada filimada waxbarashada, akhrinta buugaagta iyo joornaalada gaarka ah, dhammaan waxyaalahasi waxay ka dhigi doonaan xirfadahaaga kuwo horumarsan, tani waxay si wanaagsan u saameyn doontaa kartidaada si aad u noqoto mid isku kalsoon.
Haddii aad rabto inaad Kor uqaado kalsonidaada, isku day wll inaad isticmaasho lixdan sir, maadaama ay kaa dhigayaan mid aad iskugu kalsoon, oo aad noloshaada guulo ka gaadhi karto.
Post a Comment