Qof kastaa waxa uu ku riyoodaa in uu ku noolaado nolol ka madax bannaan dhibaato, laakiin waa ay yar tahay in qof kastaa uu ku guulaysto arrintan, duruufaha qallafsan iyo rafaadka maalinlaha ah waxa ay inaga lumiyaan xakamaynta nolosheenna , Nasiib wanaag khubarada cilminafsigu waxa ay bixiyeen talooyin qofka ka caawiya Noloshiisa si uu ugu dhis sida uu rabo in uu u noolaado Dhammaadka nolol kaamil ah oo aan dhibaato lahayn, akhri si aad wax uga ogaato talooyinkan.


 

Marka hore: ku noolow wakhtigan xaadirka ah


In aad dul istaagto burburkii hore oo aad ka murugoto waxi ku dhafy waxa ay kuu kordhinaysaa xanuunka oo waxa ay kaa reebaysaa in aad farxad ku noolaato.oo waxd is arki ado ka cajisy xalinta dhibatoyinkana mustaqbalkagina lumay, markaa jooji ka fikirka wixii tagy oo ku noolow wakhtigagan xadirkaa , una shaqyso una dadaal sidii aad u dhisan laheed mustaqbalkad ku riyoonyso.


Midda labaad: Xooji xiriirka aad Eebbe la leedahay


Waa in aad leedahay iimaan dhamaystiran si aad ula kulanto culaysyada nolosha, iimaanku waxa uu ku siin doonaa xoog, go'aan iyo rabitaan aad ku wajahdo dhibaatoyinka , Allena u tallo saaro shaqo kasta oo aad qabanyso, sidas oo kaliya ayad uga guulaysan kartaa duruufha qallafsan waxaadna noloshaada ugu noolaan doontaa raaxo iyo xasillooni weliga.


Sidoo kale akhri:


Saddex, beddel falsafadaada


Hadii fikirkaaga iyo caqiidadaadu ay xun yihiin, oggow inaad maxbuus uhaan donto murugo oo aanad ka gudbi karin dhibtaada, waa inaad bedeshaa falsafadaada nolosha, mar walba isku day inaad dhinaca fiican ka eegto wax kasta oo kaa hor yimaada. waxay awood kuu siin doontaa inaad ka hortagto dhibaatooyinka nolosha.


Afar: Qaado go'aanno sax ah


Si aad u barato sida loo qaato go'aan sax ah, waa in aad marka hore xalisaa dhibtooyinkaga dhinac walba ah, kadibna aad ogaato natiijada aad ka heli karto haddii aad go’aan qadato , hana ilaawin inaad ku taageerto go'aankaaga doodo macquul ah iyo caddayn. marka aad raacdo hababkii hore waxa aad mar walba awood u yeelanaysaa in aad gaadho go’aamo sax ah taasina waa waxa ay kaa ilaalinayso in aad dhibaato noloshaada gasho.


Sidoo kale akhri:


Shanaad: Ku qanacsanow waxa aad haysato


Ku qor xaashi sifooyinka iyo xirfadaha aad leedahay oo ku qor xaashi kale waxa ay dadka kale ka maqan ee aad haysato oo is barbar dhig, waxaad ogaan doontaa inaad ka fiican tahay dadka kale iyo in qanaaco la'aantaada ay sabab u tahy dhibaatoyinkaga., markaa Ilaah ugu mahadnaq nimcadiisa had iyo jeer  ,horumarina naftaada si aad ugu noolaato farxad iyo nabad.


Lix:  jeclow naftaada


Jooji inaad tiraahdo waan guul-darreystay oo ma awooddo inaad guul gaaro, isku day inaad  naftaada ku dhiirigeliso hadallo wanaagsan oo aad xasuusato guulihii aad soo martay, taasi waxay kuu xaqiijineysaa nolol xasilloon. dhibaato la'aan.


Toddoba: iska dhig inaad faraxsan tahay


Xitaa haddii ay kugu xeeran yihiin werwer iyo murugo, isku day in aad farxad ku noolaato, samee wax kasta oo qalbigaaga farxad gelinaya, tusaale ahaan, naftaada hadyad sii, cun cunnada aad jeceshahay, ku celceli hiwaayadda aad jeceshahay, u safar waddanka aad jeceshahay, ka qayb gal oo dawo ruwayado shactiro ah ama bandhig masraxeed oo loogu talagalay jilaaga aad jeceshahay, tani waxay kaa dhigi doontaa inaad ku faraxsanaato oo aad ku qanacdo noloshada , tani waxay kaa yaraynaysaa qadhaadhka maalmaha, si noloshaadu u noqoto sidii ugu fiicnayd.


Sidoo kale akhri:

 


Imminka , waxaad ku noolaan kartaa nolol kaamil ah oo ka madax bannaan dhibaatooyin, markaa ha ka waaban inaad isticmaasho talooyinkan si aad ugu noolaato noloshaada sidaad jeceshahay.


 

Post a Comment

Previous Post Next Post