Gaaritaanka farxadda iyo guusha nolosha kuma xidhna oo keliya waxa uu qofku ka barto dugsiyada iyo jaamacadaha, balse waxa ay inta badan la xidhiidha qaar ka mid ah xirfadaha uu leeyahay oo uu ku kasbado waayo-aragnimadiisa nololeed ee heerarka kala duwan. si aan u gaarno ficilo guul leh si loo gaaro farxadda nolosha, sadaradan soo socda, waxaan ku baran doonaa koox ka mid ah kuwa ugu muhiimsan xirfadahaas nolosha.
Kala Soco Channelka Shabakadda Developumind ee Telegramka
Marka hore, baro xirfada dhagysiga
Xirfada dhegeysiga dadka kale wuxuu kaa caawinayaa inaad hesho aqoon iyo waayo-aragnimo dheeraad ah oo aad ku isticmaali karto nolol maalmeedkaaga, si aadan ugu dhicin khaladaadka ay iyagu sameeyeen.
Labaad: xirfada hal adaygnimada
Si aad noloshaada ugu guulaysato, waa in aad barataa xirfada hal- adaygnimada, taas oo ah, in aad arrimo culus oo muhim ah aad ula dhaqanto si adag iyo go'aan adag, halkii aad ka caajisi lahayd oo aad dayacilaheed.
Saddexaad: xooga saar shaqadada
Xoog saaridu waxa ay door muhiim ah ka ciyaartaa sidii aad shaqadaada si guul iyo karti leh ugu dhamayn lahayd, markaa waa in aad diirada saartaa gudashada shaqadaada iyo hawlahaaga, kana fogaato waxyaalaha maskaxdaada ka mashquulin kara.
Afar: wada shaqaynta kooxda
Waxaa jira shaqooyin badan oo u baahan shaqo kooxeed, sidaas darteed waa lagama maarmaan in aad barto sida loola macaamilo kooxda gudaha shaqada, iyo sida loo aqbalo oo loo qaato dhammaan fikradaha lagu soo bandhigo isla kooxda .
Sidoo kale akhri:
Lixaad: isku kalsoonaanta
Aad bay lagama maarmaan u tahay in la barto xirfada isku kalsoonaanta, oo lagu dabaqo dhulka waaqiciga , sababtoo ah kalsoonidu waa furaha ugu weyn ee guul kasta oo aad gaarto iyo farxad kasta oo aad ku dareemeyso nolol maalmeedkaaga.
Todobaad: Kasbashada dadka
Si aad u gaarto farxad buuxda oo nolosha ah, waa inaad u heellan tahay inaad kasbato jacaylka iyo ixtiraamka dadka kle iyo ta naftaada , si aad uga fogaato dhibaatooyinka saameeya guushaada.
Siddeed: yididiilo
Si kasta oo ay noloshu kuugu adkaato, si kasta oo werwer iyo dhibaato kugu korodho, waa in aanad sinaba u niyad jabin, oo ha u oggolaan in rajo beelku ku xakameeyo, mar walbana xusuusnow in yididiilodu ay tahay hubka kuu sahlaya in aad guulaysato. iyo in laga gudbo dhibaatooyinka.
Sidoo kale akhri:
Sagaalaad: helida tamarta
Si aad nolosha ugu guulaysato oo aad ugu raaxaysato farxad iyo firfircooni, waa in aad heshaa tamar wanaagsan, tani waa adiga oo cunaya cunto caafimaad leh, ku celcelinta caadooyinka caafimaadka qaba, waxa dheer in aad ku celcelinayso jimicsiga.
Post a Comment