akhristow soo dhawow 

 

Waxaa laga yaabaa inaad mararka qaarkood dareento in  

noloshaadu u socoto si kaduwan sida aad jeceshahay. Marka  

aad dib u eegto sanadihii cimirigaaga ka tagay waxaad  

dareentaa inaadan gaadhin meeshii aad rabtay inaad gaadho.  

Waxaad eegtaa mustaqbalka waxaanad ilaahay baridaa inuu  

kugu galadaysto awood iyo tamar aad ku samayso wixii hore  

aad u kari wayday.

 

Kitaabkani waxaa loogu talagalay ruuxa ku sugan xaalada aan  

kor ku soo sheegnay oo kale wuxuu la hadlayaa ruuxdaada  

wuxuu kugu hagayaa himiladaada  

Kitaabkani wuxuu kaaga sheekaynayaa hadafka noloshaada,  

sida aad waqtigagaaga uga faaiidaysanayso, sida aad naftaada  

u maaraynayso iyo sida aad go’aanada u qaadanayso


Nolol hadaf la’aani waa mid aan macno lahayn oo aan wax qiimo ah lahayn, marka la eego muhiimadda uu yoolku u leeyihiin nolosha qof kasta oo bani’aadam ah, ayuu Dr. Ibraahim El-feki u soo bandhigay buug uu ugu magac daray “Maaree noloshaada ” oo uu ku faahfaahiyey sababaha ka hortaagan dadka inay xadidaan hadafkooda waxanu so bandhigay  habab kaa caawinaya dejinta yoolalkaga, Akhristaha qaaligayow sadarradan soo socda ayaan kugu faahfaahin dona qaybaha ugu muhiimsan ee buuggan.( soo koobida buuga maaree noloshaada)



Maxay dadku u dejin waayeen hadafkooda nolosha?


Dr. Ibrahim El-Feki waxa uu tilmaamay shan sababood oo ka dambeysa in dadku aanay jeclayn qeexidda yoolkooda, waxaana ka mid ah sababahan.( soo koobida buuga maaree noloshaada)



1- Cabsida:


Ka Baqdinta mustaqbalka, cabsida aan la garanayn, cabsida tijaaboyinka  waaya-aragnimada naxdinta leh,  cabsida falcelinta bulshada, iyo cabsida guul-darrada ayaa dhammaantood loo tixgaliyaa inay yihiin sababaha ugu waaweyn ee ay dadku uga fogaadaan inay dejiyaan yoolalkoda 


2: waxad naftada ka aaminsantahy:


Dareenka liidasho iyo  darenka inadan guul Gandhi Karin iyo aaminsanaanta in guushu ay gaadhan kaliya dadka caqliga badan iyo indheergaradka, ayaa qofka ku riixaya in uu ka fogaado yool-u-dhigista noloshisa, maadaama uu hubo in si kasta oo uu isugu dayo in aanu waxba gaadhi karin. .

( soo koobida buuga maaree noloshaada)



3- Dib u dhigista :


Dadka qaar ayaa u arka in noloshu ay dheertahay oo ay jirto wakhti badan oo lagu gaadhi karo yoolka  ,sidaa darteed dib ayay u dhigtaan dejinta yoolkooda ,da’da iyo wakhtiguna si dhakhso ah ayay u dhaafaan iyaga oo aan gaadhin yool iyo wax-qabad noloshooda.


4- In aan la rumaysan muhiimada hadafka:


Waxaa jira kuwa aaminsan in habka qorista yoolalka ay tahay waqti lumis, sidaas darteed waxaad arkaysaa iyaga oo marba waxy naftodu jeclato ka shaqeynaya iyaga oo aan qorsheynin , sidaas darteedna ma awoodan inay gaaraan hadaf kasta oo noloshooda ah.

( soo koobida buuga maaree noloshaada)


5-Garasho la’aanta:


Dadka qaarkiis waxay rabaan in ay yool samaystaan, balse waxaa ka maqan garashada, wax dadaal ahna ma sameeyaan si ay yoolka u gaaraan ,


Sideed ku gaari kartaa yoolalkaaga nolosha?


Fikirka qoraaga, waxaa jira shan tiir oo muhiim ah oo kaa caawin doona inaad guul ka gaarto noloshaada:


1- Tiirka ruuxiga ah:


Tiirkaan waxaa ka mid ah xiriirka uu la leeyahay qofku Allaha awooda leh, waxaa lagama maarmaan ah in qofku uu ku dadaalo sidii uu u horumarin lahaa dhinaca ruuxiga ah ee noloshiisa si uu u gaaro yoolka uu hiigsanayo noloshan,  iimaanku waxa uu ina siinayaa tamar aad u badan oo aan kaga gudbi karno dhibaatooyinka iyo caqabadaha.

( soo koobida buuga maaree noloshaada)


2- Geeska Shaqsiyeed:


Waxaa ka mid ah qoyska, xiriirka gaarka ah, waxbarashada, madadaalada, safarka, fasaxyada, qof kastaa wuxuu u baahan yahay inuu horumariyo tiirkaan maadaama uu si weyn u saamaynayso  dejinta yoolalkisa iyo gaaritaanka guusha iyo horumarka uu rabo.


3- Geeska Xirfada:


Waa inaad had iyo jeer ku dadaashaa inaad ku guulaysato shaqadaada iyo noloshaada xirfadeed, waligaa ha joojin tababarkaiyo sii wadida waxbarashada iyo qaadashada koorasyo iyo waxqabadyo kaa caawinaya inaad si joogto ah ugu guulaysato xirfadda.

( soo koobida buuga maaree noloshaada)



5-dhinaca Caafimaadka:


Caqliga fayoobi wuxuu ku yaala jidh caafimaad qaba, murtidaas tan iyo yaraantoodii ayaynu naqaanay, waxaana la joogaa xilligii aynu kudhaqmi lahayn ,waa inaad ka taxadartaa caafimaadkaaga maxaa yeelay waa udub dhexaadka maalkaaga iyo farxadda adduunyo, waana lagu weydiin doonaa. maalinta qiyaame.

Waxaa lagama maarmaan ah in aad dejiso yool caafimaad leh oo aad ku dadaaleyso, iyo in aad joogteyso jimicsiga,cunista canto caafimaad leh, iyo inad ka fogaato hababka kale ee ka hortaggan inad ku noolaato nolol caafimaad leh oo farxad leh oo ka fog cudurro, markaas ayad maaraysay waqtiga iyo nolosha. 



Buuga “Maaree noloshaada ” waxa uu ka mid yahay buugaagta ugu faa’iidada badan, isaga oo baraya qofka sida loo dejiyo yoolka iyo sida uu ugu sugnan lahaa yahay fulinta si uu ugu dambayntii guul u gaadho, ee ha ka waaban akhriste inad kaalmysato buuggan markad dajinaydo yoolalkaaga gaarka ah.

Post a Comment

Previous Post Next Post