10 CASHAR OO DHIIRI GALIN AH OO laga baranayo buuga “#THE_MIRACLE_MORNING"


 "Mucjisada Subaxdii"


1) Qaado mas'uuliyadda noloshaada:


Tamar ha galin inaad rajaynayso in noloshaadu ka duwanan donto /ka fududanyso hada. Xoogga saar inaad tamartaada sida ugu fiican uga faa'ideysato. Waa in aan aqbalnaa mas'uuliyadda dhinac kasta oo nolosheenna ah oo aan diidno in aan eedayno cid ama wax kale. "Heerka aad ku aqbasho mas'uuliyadda wax kasta oo noloshaada ah waa heerka awoodda shakhsi ahaaneed ee aad u leedahay inaad bedesho ama abuurto wax kasta oo noloshaada ah." Markaan barano caqabadaheena waxaan u adeegsan karnaa si aan qiimo ugu kordhinno nolosha kuwa kale oo aan dhibka u rogno faa'iido.


2) Sheekadaada si xikmad leh u dooro:


Ma xakamayn karno wax kasta oo nolosheena ku dhaca laakiin waxaan leenahay doorashada macnaha aan ku meelayno dhacdooyinkaas. Waa mas'uuliyadaada inaad doorato sababaha ugu awoodda badan aad ku xalinayso dhacdooyinka iyo caqabadaha noloshaada.


3) Ku kalsoonow naftaada iyo qiimahaaga:


Markaad aragto kuwa kale oo fulinaya waxaad rabto inaad qabato, u isticmaal taas inay ku dhiirigeliso halkii ay ku niyad jebin lahayd. wax kasta oo qof kale uu  qabtay ama uu ku guuleystey waxay si fudud caddayn u tahay in wax kasta oo aan u baahanahay inaan qabano ama aan rabno inaan gaarno inay suurtagal noo yihiin, iyada oo aan loo eegin wixii hore ama xaaladdeheni hore." Sidoo kale xusuusnow, "Waxaad u qalantaa,  oo aad awood u leedahay abuurista iyo helitanka caafimaad aan caadi ahayn, maal, farxad, jacayl iyo guul noloshaada sida qof kasta oo kale oo adunka ah."


4) Ku kalsoonow noloshaada:


"Ogow in meel kasta oo aad noloshaada jogto iyo hadda labadaba waa ku meel gaadh… Waxaad u timid xilligan si aad u barato waxa ay tahay inaad barato, si aad u noqoto qofka aad u baahan tahay inaad noqoto si aad u abuurto nolosha aad runtii rabto."


5) Ku guulayso cones yaryar si aad u noqoto qof guulaysan kara:


Waa inaad naftaada u horumarisaa qofka aad u baahan tahay inad noqoto si aad si joogto ah u soo jiidato, u abuurto una joogteyso heerka guusha aad rabto. Tani waa sababta jadwalkaaga subaxdii uu aad muhiim ugu yahay, inaad waqti u hurto maalin kasta waxad donayso inad gaadho si aad u noqoto qofka aad u baahan tahay inaad noqoto. Ilaa inta aan wakhtigan nafteena u hurayno maalin kasta waxay had iyo jeer noqon doontaa halgan lagu gaadhayo guusha sababtoo ah "guushu waa wax aad qofka ku soo jiidato qofka aad rabto inad noqoto."


6) Dhammaanteen waxaan la halgameynaa dhexdhexaadnimada: 


Dhammaanteen waan ognahay waxa aynu samaynayno si aan u faraxsannaano, haddana dhammaanteen waxaan ku dhibtooneynaa inaan sameyno waxyaalahaas. Waa inaad doorataa waxa adiga kuugu muhiimsan: nolosha aad rabto inaad ku noolaato, ama cudur daarkaada. "Maalin walba aniga iyo adigaba waynu soo toosna, waxaan wajahnaa caqabad caalami ah oo isku mid ah: inaan ka gudubno dhexdhexaadnimada oo aan ugu noolaano  nolol aynu awood buuxda u leenahay. Waa caqabadda ugu weyn ee taariikhda aadanaha - in aynu kor u qaadno marmarsiiyadena oo aan abuurno nolosha aan dhab ahaantii rabno sida darted dad aad u yar ayaa waligood ku noolaada noloshas… Waxaan rabaa inaan si dhab ah u jeclaado noloshayda. Waxaan rabaa inaan jeclaado shaqadayda, waxaanan rabaa inaan jeclaado dadka aan nolosha la wadaago oo aan la shaqeeyo. Taasi waa qeexidayda guusha. Nolosha noocan oo kale ah ma dhacdo oo kaliya, waa in la naqshadeeyaa. Haddii aad rabto inaad ku noolaato nolol aan caadi ahayn… markaas waa inaad ogaataa sababaha aasaasiga ah ee dhexdhexaadnimada si aad uga hortagto inay kaa reebto nolosha aad rabto. "


7) Subaxdaadu waxay kuu noqon doontaa maalmo, maalmuhuna waxay kuu noqon doonaan noloshaada.


 "Sida aad u kacdo maalin kasta iyo rootiinkaga subaxda waxay si weyn u saameeyaan heerarkaaga guusha ee meel kasta oo noloshaada ah… Subaxyada tarkiiska leh, wax soo saarka leh, guusha leh waxay abuuraan maalmo guul leh oo tarkiis leh, oo wax soo saar leh - kuwaas oo si lama huraan ah u abuuraya nolol guul leh - si la mid ah subaxaha aan diirada lahayn, wax-soo-saarka lahayn ee caadiga ah ay u abuuraan maalmo aan diirad lahayn, wax soo saar lahayn oo caadi ah.


8)Waayihii hore ma aha mustaqbalkeena : 


"Waxaan si qalad ah u aaminsanahay in qofka aan nahay uu yahay ka aan nahay, sidaas darteed waxaynu ku xadidnaa awoodeena dhabta ah ee waqti xaadirka ah iyada oo ku saleynayno xaddidaadyadii hore. Waxaan ku shaandheynaa doorasho kasta oo aan sameynayno- wakhtiga aan soo toosno subaxda, hadafkee ayaan dejin doonaa… iyada oo loo marayo xaddidaadda waaya-aragnimadeenii hore… Marka  inalo soo bandhigo fursadaha, waxaan si dhakhso ah u eegnaa muraayadda dib-u-eegista si aan u qiimeyno awoodeheni hore. ” waxaan ka fikirnaa, "Maya, waligey ma sameyn wax sidaas oo kale ah hada ka hor. Waligey heerkaas ma gaarin. Run ahaantii, waan ku guul daraystay marar badan” anagoo nafteena ku ilaalinayna halka aan had iyo jeer halki hore Ay joogtay.


 "Halka aad joogto waa natiijada qofka aad ahayd, laakiin meesha aad tagto waxay ku xidhan tahay qofka aad dooranayso hadda."


9) Dooro waxa saxda ah iyo waxa fudud: 


"Mar kasta oo aad doorato inaad sameyso wax fudud halkii aad ka sameyn lahayd waxa saxda ah, waxaad qaabeyneysaa aqoonsigaaga, waxaad noqoneysaa nooca qofka sameeya waxa fudud halkii uu ka  samyn lahaa waxa saxda ah ... marka alaarmiga uu dhaco oo aan taabank badhanka daminta (shay sahlan), dadka intooda badan waxay si khaldan u qaataan in falkani uu saameynayo kaliya xilligan. Xaqiiqdu waxay tahay in ficilka noocan ahi uu maskaxdeenna hoose ku barogaraamiyo tilmaamo ay ku habboon tahay inaynaan raacin waxyaalaha aan samayno. Maanta waa maalinta ugu muhiimsan noloshaada. Hadda ayaa ka badan wakhti kasta oo kale sababtoo ah go'aamada aad samaynayso iyo ficillada aad samaynayso ayaa go'aaminaya qofka aad noqon doonto inta noloshaada ka hadhay.


10) Habka aad u kacdo ayaa go'aamin doonta nolosha aad yeelan doonto: 


"Markaad dib u dhigto hurdada ilaa aad ka soo kacdo - taasoo la macno ah inaad sugto ilaa wakhtiga ugu dambeeya ee suurtogalka ah si aad sariirta uga kacdo oo aad bilowdo maalintaada - tixgeli in waxa aad dhab ahaantii samaynayso ay iska caabinayso noloshaada. Mar kasta oo aad taabato badhanka daminta alarmigaaga , waxaad ku jirtaa xaalad iska caabin ah maalintaada, noloshaada, iyo inaad kacdo oo aad abuurto nolosha aad sheegtay inaad rabto… Qof kastaa wuxuu rabaa inuu faraxsanaado, caafimaad qabo oo guulaysto, laakiin rabitaankaa  ayaa naadir ah oo raba xeelad wax ku ool ah oo lagu helo"

Post a Comment

Previous Post Next Post