Habka aad u nooshahay waa mid ka mid ah tilmaamayaasha ugu xooggan ee tilmaamaya guusha mustaqbalkaga, wax walbana waxay saameyn ku yeelan karaan guushaada; Laga soo bilaabo habka aad wakhtigaaga firaaqada u luminayso iyo sida aad ula tacaalayso xaaladda taagan; Markaa beddel qaab nololeedkaaga waxaadna ku socon doontaa waddadii ugu dhakhsaha badan ee guushada, Halkan waxaa kuguso gudbinayaa 5 habdhaqan oo go’aaminaya guushaada
1. Habka aad ku riyoonayso ayaa mustaqbalkaaga go'aaminaysa:
Mustaqbalku waa dhul inaga qarsoon , haddii aad rabto inaad guulaysato, waxaad u baahan tahay inaad qeexdo jidkaaga nolosha, dadka guulaysta waxay leeyihiin aragti cad oo ku saabsan guushooda sida nooca ganacsi ee ay rabaan in ay ka shaqeystaan, inta jeer ee ay rabaan in ay shaqeeyaan, dadka ay rabaan in ay la xiriiraan; Haddaba billow in aad male-awaasho nolosha aad doonayso in aad ku noolaato, waxaanad heli doontaa hage-tallaabo-tallaabo ah oo ku saabsan sidii aad halkaas ku gaadhi lahayd.
2. Sida aad u nooshahay waxay saamaysaa guusha:
Guushu kuma imanayso si fudud , haddii aanad hurdo kugu filan helin oo aanad cunin cunto caafimaad leh ; Waxaa macquula inaadan heli doonin tamar aad ku daba gasho riyadaada.
Dadka guulaysta waxay ku guulaystan dhinac kasta oo noloshooda ah; Oo ay ku jiraan jidh nafaqaysan, jimicsi, hurdo, cilaaqaad , iyo is-daryeel Haddii aad bilowdo inaad naftaada ula dhaqanto sidii qof guulaysta, waxaad naftaada u dejisay guul mustaqbalka fog ah.
3. Xuduudaha aad dejisay waxy xadidayan guushaada
Xuduuduhu waa habka aad dadka ugu sheegto siday kuula dhaqmayan, laga bilaabo sida aad aqbasho in laguula dhaqmo; Xuduuduhu waa xeerarka qaabaynaya noloshaada, haddii aad u ogolaato dadka inay farageliyaan noloshaada, waxay u badan tahay inay saameyn ku yeelan doonto, si kasta oo aad u guulaysato.
Intad isku haysayo inad guulaysanyso, ayad guulysanysaa
Dadku waxay kuula dhaqmi doonaan sidad naftaada ula dhaqanto; Qofna ma tixgelinin Mark Zuckerberg ama Steve Jobs markii ugu horreysay ee ay bilaabeen shirkadahooda; Laakiin, haddii aad si dhab ah u qaadato naftaada oo aad si joogto ah u qaaddo tallaabo aad hore ugu soconayso, aakhirka waxaad noqon doontaa mid guulaysata sidad go'aansatay.
5. Ugu dambayntii, guushu waxay ku xidhan tahay inta farxadda aad awooddo:
Guushu kuma xidhna waxa aad dhab ahaan ku guulaysan karto, laakiin waxy ku xidhantahy inta aad ku raaxaysan karto, haddii aad u ogolaato naftaada in aad qadariso waqtiyada guusha adiga oo aan ka fikirin tallaabada xigta; Waxaad ku jirtaa kala badh in ka badan.Guushu waxay ku xidhan tahay farxad; Haddaba haddii aad xajisato dareenka farxadeed ee ku saabsan wax kasta oo aad qabatay, waxa aad noloshaada ku soo jiidan doontaa guulo ka badan kuwa daalan ee ku dadaalaya in ay wax badan sii gaadhaan.
Sidoo kale akhri:
Post a Comment