goaamo waajib tahay inad qadatid intaanad 30 gaadhin

tQof kasaa waxa uu noloshan kaleyahy, riyo iyo hiigsi uu rabo in uu gaadho, horraanta labaatanaadkana hamiga qofku waxa gaadha heerkii ugu sarreeyey, markaa qofku waxa uu ku degdegaa in uu wax barto oo uu ku dadaalo himiladiisa si uu u gaadho waxa uu doonayo. , laakiin qaarkood ma garwaaqsadaan muhiimada waqtiga oo inta badan siday dib ugh dhigayan riyooyinkoda , ayuu wakhtigu dhaafaa iyaga oo aan wax guul ah ka gaadhin noloshooda.Taas waxa ay khubaradu soo ururiyeen 5 go’aan oo ay tahay in aad qaadato ka hor inta aanad gaadhin soddon sanno.


 

Marka hore, dejinta mudnaanta


Kahor intaadan gaarin da'da sodonka, waa in ay noloshaada aad u habaysan tahay, si taas loo gaaro waa in aad qeexdaa mudnaantaada, taa darted  waxaad awood u yeelan doontaa inaad gaarto yoolkaaga iyo riyadaada, tusaale ahaan oggow shaqadaada midda ugu muhiimsan iyo tan ugu yar ka dibna u deji wakhti aad ku dhammaystirto hawl kasta.


Sidoo kale akhri:


Labaad: ceyrinta afkarta ta an


Ma awoodi doontid inaad kobciso kartidaada oo aad ku guulaysato riyadaada weyn inta afkarta taban maamulayso  noloshaada, hadda waa waqtigii aad go'aansan lahayd inaad gabi ahaanba iska saarto fikradaha taban , ku beddel fikrad kasta oo xun tu wanaagsan, isku day inaad maamusho fikradahaaga. Naftaada sii dhiirigalin, ku dhaji   weedho ku dhiirigelinaya qolkaaga jiifka iyo xafiiska si aad si joogto ah u akhrido.


Saddexaad: daryeelka caafimaadka


Kahor intaadan gaarin da'da sodonka, waa inaad go'aansataa inaad ilaaliso caafimaadkaaga, sababtoo ah difaaca jirku wuu daciifaa marka qofku sii weynaado, go'aanso inaad joojiyo sigaarka, ka fogow cuntooyinka dufanka leh, cun cunto caafimaad leh oo qani ku ah fitamiinada iyo macdanta,  badso cabitaanka biyaha iyo casiirka dabiiciga ah.


Afar: Raadso shaqo wanaagsan


Kadib marka aad horumar muhiim ah ka gaadho shaqadaada oo aad khibrad fiican kasbato, waxa la gaadhay wakhtigii aad go’aansan lahayd in aad raadiso shaqo ka fiican ka hor inta aanad gaadhin sodon jir, la xidhiidh shirkadaha waaweyn iskuna day in aad kobciso awoodaada shaqo Fursada aad ku heli karto shaqo fiican ayaa kordheysa, kana digtoonow inaad ka tagto shaqadaada hadda ka hor inta aadan helin shaqadaada riyada.


Sidoo kale akhri:


Marka shanaad, helitaanka hibo cusub


Isku day inaad kobciso mawhibadada, go’aanna ka gaadho sidii aad u daah-furi lahyd hibooyin kale oo aad leedahay, waxaaba laga yaabaa in aad leedahay hibo hal abuur leh, hibooyinkani waxa ay balaadhinayaan aragtidaada, waxa ay xoojiyaan xusuustaada , waxa ay kaa dhigayaan mid aqoon iyo kalsooni leh. , kuwaas oo dhan waxay kuugu adeegi doonaan noloshaada xirfadeed iyo shakhsi ahaaneed.


 


Safarka noloshu waa mid dheer oo caqabado badan, hadaba waxa lama huraan ah in aad qaadato go’aamo kaa caawin doona in aad gaadho waxa aad ku haminayso, ka dadaal inad ku dhaqanto gal go’aamadan ka hore  inta aanad gaadhin sodon sano.




Post a Comment

Previous Post Next Post