Guushu waa in qofku uu ku guulaysto riyooyinka iyo yoolka uu hiigsanayo isagoon quus iyo caajis toona daremin , jidka guushana waxa aad kala kulmaysa dhibaatooyin badan, balse qofka guulaysta waxa uu kaga gudbi karaa go’aan qaadasho, sababtoo ah in aad gaadho guushu waa yoolka qof kasta oo bini’aadam ah, waxaanan kula wadagi doonaa.Zxb , talooyin kuu sahlaya inaad noloshaada guul ka gaadho.




La soco ogalka1 on telegram 

 

 

Marka hore, ogow meelaha aad ku fiican tahay


Waa lagama maarmaan in aad ogaato meelaha aad ku fiican tahay si aad u maal gashato waxa aad haysato, marka aad ogaato meelaha aad ku fiican tahay, ku dadaal sidii aad u horumarin lahayd, taasi waxay kuu sahlaysaa inaad gaadho guusha aad hiigsanayso.


Marka labaad, ha barbar dhigin naftaada dadka kale


Qofkasta oo bini aadam ah waxa uu leeyahay sifooyin u gaar ah ee qofna ha is barbar dhigin, waayo qofna maleh duruufahaaga iyo shakhsiyadaada midnaba, waxaad leedahay noloshaada iyo fikirkaaga sidoo kale waxay leeyihiin nolol iyo fikir u gaar ah, u jeclow naftaada sidaad had iyo jeer tahay. si aad ugu raaxaysato waxa aad haysato.


Seddexaad: in badan ku kalsoonow naftaada


Waa in aad leedahay  kalsooni nafeed waayo kalsoonidu waa sixirka  kuu sahlayaa in aad guul gaadho, sidaa awgeed waa in aad kor u qaaddaa kalsoonida naftaada adiga oo akhrinaya, baranaya xirfado cusub, balaadhinaya xidhiidhkaaga bulsho, arimahani waxa ay ka helaysaa kalsooni weyn.


Afar: Ka takhalus fikradaha xun xun


Waa inaad gabi ahaanba ka takhalustaa fikradaha xun xun, sababtoo ah fikradaha xunxun waxay jahawareeriyaan fikirkaaga waxayna ku niyad jabiyaan go'aankaaga waxayna kaa dhigaan qof niyad jabsan oo aan awoodin inuu guul gaaro, markaa ka saar maskaxdaada inta aysan ku xakameynin.


Sidoo kale akhri:


Shanaad: Wax ka baro fashilkaaga


Waa inaad guul daradaada wax ka barataa si aad guul u gaadho, guuldaradu waa shay dabiici ah oo dadka badankiisu ku dhacaan, sidaa awgeed ha buunbuunin oo ka faa’iidayso waayahaaga iskuna day inaadan ku celin khaladkii hore oo kale, taas uun baad ku uun guul gaari karo.


Akhri sidoo kale:


Lixaad: Ka fogow dadka xun xun


Ka fogow dhammaan dadka kugu celcelinaya ereyga mustaxiil, sababtoo ah waxay rabaan inay kuu gudbiyaan fashilkooda iyo niyad-jabkooda , taasna waa inaad ka fogaato iyaga oo aad u dhowaato kuwa fidiya rajooyinka iyo farxadda meel kasta oo ay tagaan.


Todoba: Cabsidaada iska saar


Cabsidaada iska saar waayo baqdintu kuu diidaysa in aad guul gaadho, mar walbana xasuusnaaw in aanay waxba kugu dhacayn waxa Alle kuu qoray mooyaane, ee wax kasta Alle u talo saaro waxaad arki doontaa sidaad ugu guulaysaty xaqijinta guushada. .


Sidoo kale akhri:


Sideed: Farxad ku noolow


Farxadda  lama iibin karo, lamana iibsan karo, mana raadin kartid farxad sababtoo ah waxay ka soo baxdaa nafta dhexdeeda.qalbigaga u fur so dhawaynteda ka takhalus murugadada marka waxa ku fududanysa inad nolosha guul ka gaadho 



 


Akhristaha sharafta lahow... Gacmahaaga waxa ku jira 8 qodob oo kuu sahlaya in aad guul ka gaadho noloshaada, raac talooyinkan ilaa aad ka gaadhayso wax kasta oo aad noloshaada ku haminayso.



Post a Comment

Previous Post Next Post