fikiro ganacsi

Iyadoo la eegayo xiisaha sii kordhaya ee haweenka ee bulshooyinka iyo dhiirigelinta inay galaan caalamka lacagaha iyo ganacsiga. Dumar badan ayaa raba inay bilaabaan ganacsi iyaga u gaar ah, ha ahaato inay raacaan hiwaayad ay  jacelyihiin ama si fudud si ay u horumariyaan una kordhiyaan dakhliga qoyskooda. Iyadoo ay jiraan mashaariic ganacsi oo u baahan in la hirgeliyo  oo aad u waaweyn una baahan hanti baaxad leh. Inta badan haweenku waxay hiwaayaddooda fudud ka helaan fursad ay ku bilaabaan ganacsiyo awood u leh inay dakhli fiican soo saaraan, qasabna uma baahna raasamaal ballaadhan. Halkan waxaan ku siineynaa shan fikrado ganacsi oo yaryar oo guuleysta oo loogu talagalay haweenka.

Haweenay kasta oo buuxisa shuruudaha way fulin kartaa, guusheedana waxay ku xidhan tahay dabcan khibradeeda, xirfadadeeda iyo baahida suuqa:


 1. Kiraynta dharka xafladaha:


Dharka xafladaha ayaa ah dhar aad u qaali ah, dumarkuna badanaa waxay isticmaalaan hal ama laba jeer oo keliya. Taasi waa sababta beddel kale  lo helay manta taas oo ah karaynta dharka xafladaha.

Haddii aad jeceshahay fashion ka oo aad leedahay xirfado ganacsi oo wanaagsan, doorashadani waxay noqon kartaa mid kugu habboon. Uma baahnid inaad dukaan leedahay, sababtoo ah waxaad kuso bandhigi kartaa dharka gurigaaga, tusaale ahaan.



2. Cuntooyinka carruurta:


Cuntoyinka caruurtu waa mid ka mid ah fikradaha ganacsi ee ugu wanaagsan sababtoo ah waa fikrad cusub oo muhiim ah, waxayna soo jiidataa dareenka dad badan, gaar ahaan waalidiinta. Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka: Tirada carruurta buuran ee da'doodu ka yar tahay 5 sano ayaa sii kordhaya, tirooyinkana waa ay ka sii darayan marba marka ka danbaysa. Tani waxay sharraxaysaa in tirada sii kordhaysa ee waalidku ay u raadinayaan doorashooyin caafimaad qaba carruurtooda.

Dhibaatadu halkan waa tartanka dukaamada cuntada degdega ah oo bixiya cuntoyin dhadhan kala duwan leh taaso soojiidanaysa dareenka carruur badan. Si kastaba ha ahaatee, fursadani waa fikrad ganacsi oo rajo leh oo loogu talagalay haweenka oo ku salaysan mabda'a diyaarinta cuntooyinka caafimaadka leh oo loo sameeyay si qaabab iyo dhadhan kala duwan leh oo ay carruurtu jeclaan doonaan: tusaale ahaan, saladh lo sameyay naqshado qosol leh, jalaatada laga sameeyay miraha dabiiciga ah iyo cuntooyinka lagu dhejiyo kartono soo jiidasho leh.


 3. Naadiga jimicsiga dumarka:


Haddii aad rabto inaad maalgashato qaybta isboortiga, oo aad haysato raasumaalka loo baahan yahay, mid ka mid ah fikradaha ganacsi ee ugu fiican waa in la dhiso naadiga jimicsiga haweenka.

Waxaa isa soo taraya tirada haweenka raadinaya adeegga noocaan ah, iyadoo si joogto ah looga warqabo muhiimada uu leeyahay isboortiga iyo faa'iidooyinka uu jimicsiga jirka u leyahay . Tani waa tan ka dhigaysa naadiyada isboortiga haweenka mashruuc ganacsi oo faa’ido leh,Haddii aad jeceshahay fikraddan, xusuusnow in ay tahay in aad u bahantahy dhinacyo kala duwan sida qalabka iyo mishiinada, shaqaaleysiinta koox, kireysiga ama iibsashada meel gaar ah, iyo wixii la mid ah.


 4. Saaloonka quruxinta dumarka:


Saaloonka qurxinta dumarku waxay u muuqataa fikrad qadiim ah, laakiin dhab ahaantii waa mid ka mid ah fikradaha baahida loo qabo maalin kasta. Dumarka oo dhan waxay u baahan yihiin adeegan laakiin dumarku ma rabaan adeeg aan xirfad lahayn.Hadii aad si fiican u taqaano xirfada mikyaashka , timo-dhisida , daryeelka cidiyaha ama nadaafada maqaarka, hadii aanad haysan raasamaal aad ku furato goob gaar aad u leedahy , waxaad dooran kartaa mid ka mid ah qolalka gurigaaga oo aanad inta badan isticmaalin. Sidaa darteed, waxaad u dhowdahay carruurtaada oo waxaad samayn kartaa waxqabad faa'iido leh isla waqti isku mid ah, ama xitaa waxaad ku bixin kartaa adeegga guryaha macaamiisha.

Haddii aad leedahay raasamaal oo aad rabtid ganacsi heersare ah, waxaad furan kartaa saloonkaaga adiga kuu gaarkaa kaso bixiya dhaman adeegyada is qurxinta , waxaana laga yaabaa inaad shaqaaleysiiso dumar xirfad u leh  mikyaajka.


 5. Suuqgeynta iyo Ganacsiga E-commerce:


Internetka ayaa fikrado kala duwan u furay mashruucyo yar yar oo haweenka loogu talagalay, haddii aad majalkan aad daneyneyso, kaliya waxaad u baahan tahay inaad aado suuqgeynta iyo ganacsiga elektaroonigga ah, kaasoo noqday mid ka mid ah mashaariicda ugu muhiimsan ee elektaroonigga ah ee internetka kaso kor u qaadaya ilaha dhaqaalaha ee haweenka eedhamaan wadamada aduunka.Afar tallaabo, aya xirfadlayaasha intenetku ku galaan suuqa shaqada raasamaal la'aan,  kombuyuutar, internet, kaarka fiisada, iyo bog gaar ah oo suuqgeyn ah (shabakadaha bulshada), waa m shuruudaha bilaw u ah ganacsiga internet ka.


Ugu dambeyntii:


Waxa ay ahaayeen shan fikradood oo ganacsi oo yar yar oo loogu talagalay haweenka, waxaana rajeyneynaa in ugu yaraan mid ka mid ah fikradahaas ay soo jiidatay dareenkaaga, xasuusnoow in ay jiraan haween ku nool wadamada adduunka oo bilaabay fikrado suubban si ay u helaan nolol maalmeedkoda, mashaariicda qaarkoodna waxay noqdeen kuwo lagu guuleystay. oo dakhli weyn soo saara.

Post a Comment

Previous Post Next Post