Xikmado ku dhiirigalinaya oo nolosha ku saabsan


Qofku waxa uu soo maraa waaya aragnimo badan oo noloshiisa  kuwaas oo siinaya duruus muhiim ah oo ku saabsan sidii uu ugu noolaan lahaa qaab sax ah iyo in uu ka fogaado wax kasta oo isaga iyo dadka kaleba xumayn kara. 



inad kuftaa maaha guuldarro, balse waxa guuldarro in aad sii fadhido meesha aad ku kuftay . 



Waxaa laga yaabaa inaad illowdo kii  kula qoslay , laakiin ma iloobi doontid kii kula ooyay. 


Nolosha waxaa ka buuxa dhagaxaan, ee ha ku turunturoonina, ee ururso oo ku dhis sallaan aad guusha u marto . 


Noloshu way sii soconaysaa , ama qosol ama ooy,  ha ku culaysin naftaada werwer aanad waxba ka faa’idayn . 


Qofka  wakhtiga si aan wanagsanen u isticmaala waa kan ugu horreeya ee ka cawda gaabnidiisa.


Wanaagaaga ha ka dhigin buug qof kastaa akhriyo, waayo waxaa jira dad aan mudnayn xaraf ka mida . 


Way fududahay in la helo qof lala hadlo, laakiin way adag tahay in la helo qof lagu kalsoon yahay.


  Kalsoonida ugu sarraysa waa in aad aamusto marka ay dadka kale kugu qoslaan, sababtoo ah waxaad garanaysaa cidda aad tahay iyo cidda ay yihiin. 


Saxiibka dhabti waa kan qaladkaaga kaaga ku shega ee maaha kii qurxiya si aad raali uga noqotid.


Diinta wax badan ha igala hadlin ee aan diinta ku arko habdhaqankaaga iyo akhlaaqdaada. 


Dadka ula dhaqan hab-dhaqankaaga, ee ha kula dhaqmin kooda. 


Haddii aad qof sir u sheegto, waxaad u dhiibtay fallaadho, wuuna kugusoo toogan doonaa maalin. 


Ha niyad jabin markii ay wax ku xaqiiqobi waayaan, isku day marar badan, sida dhibicda roobka ahi ay u qodo dhagaxa, maaha adayg , laakiin ku celcelin. 


Khalad a aha inaad adigo faqiira dhalato, laakiin khald waxa ah inad adigo faqiira dhimato. 


Raac jidkaaga nolosha hana joojin haddii aad la kulanto dhibaatooyin.


Maalkaga ha kaga ag sheekayn qof faqiira ah hortiisa.


  Dhib kasta waxaa ka dambeeya fursad weyn oo  aad Alle ugu dhawaan karto, ee ha lumin. 


Haddii aad u malaynayso in aad guulaysanyso, waxa aad noqonaysaa mid guulaysta, haddii aad u malaynayso in aad guul-darraysanyso waxa aad noqonaysaa mid guul-darraystay.


Ha daneynin waxay kaa sheegaan, waad garanaysaa qofka aad tahay, hana dhayalsan qiimahaaga, sirta guul-darradu waa isku dayga inaad qof walba ka farxiso.


Ha xanaaqin! Cadhada waa bilowga waalida iyo dhammaadka qoomamada.


Dhagayso in badan oo hadal in yar.


Waxa laga yaabaa in aynaan helin wax kasta oo aynu ka rabno nolosheenna, laakiin wax kasta oo nolosheenna ah allaah ayaa ino dooray , si kasta oo aynu u baadhnona ma heli doonno wax ka wanaagsan doorashada Eebbe.



Qofkii aan himilo lahayna guul ma raadiyo, sidaa darteed hammigu waa hanti aan baabba'ayn e noqo mid himilo leh oo beegso meel sarre 


Qofkii qaldama waa bani aadam, kii ku adkaystana waa shaydaan.


Post a Comment

Previous Post Next Post