10- cashar oo aynu ka baranayno book - #WHO_SAYS_YOU_CAN'T? #YOU_DO



1) Quruxda noloshu waa  sida fool xumada nolosha. Dhammaan waxay kuxirantahay midka aad doorato inaad aragto.



2)Ugu yaraan hal shay samee maalin kasta, isku day inaad garato horumarka jira, ku faan naftaada inaad samaysay.

Ha is weydiin sida ay noloshu kuula dhaqmayso; isweydii sida aad nolosha ula dhaqmayso!


3) "Marka albaab xidhmo, mid kale ayaa furma, laakiin inta badan waxaynu taagnaana wakhti dheer oo aynu ka qoomamaynaa albaabka xiran oo aynaan arkin kan naga furay."


4) Markaad wax qadariso, ha ku xadgudbin. Baro inaad qadariso dhammaan qaybaha noloshada.

“Waxa lagu qiimeyo qofka maaha halka uu taagan yahay waqtiyada raaxada, laakiin waa halka uu taagan yahay xilliyada loolanka iyo challenge ka.


5) Waxaa jira laba nooc oo dhaleeceyn ah. Mid waa fulay ammaantiisa ku kasbaday weerarro aanu waligiis ku dhiirranayn inuu sameeyo. Midka kale waa kan ku dhiiran inuu kuu sheego in fulaygu aanu waligiis samayn. Baro inaad ka faa'iidaysato labadoodaba.

Daqiiqad kasta oo cusub waxay abuurtaa fursado cusub: Waxaad ka fikiri kartaa waxaad rabto, dareemi kartaa waxaad rabto, oo waxaad abuuri kartaa waxaad rabto.


6) Weligeed ma dhicin, mana dhici doonto hab fudud oo lagu gaaro wax weyn.


7) "Ka fogow kuwa isku daya inay dhayalsadaan hamigaaga, dadka yaryar ayaa had iyo jeer sameeya taas, laakiin run ahaantii waxa weyn ayaa kaa dhigaya inaad rumaysato inaad adiguna noqon karto mid weyn."


9)Qalbigaaga raac,laakin iska aamus marka hore. IsWeydii su'aalo, ka dibna dareen jawaabta. Baro inaad qalbigaaga aaminto."


10)Mahad celintu waa furaha in ruuxdaadu noloshaada la wareegto. Markaad ku darto caado fudud  nolol maalmeedkaaga, waxaad abuuri doontaa adduunyo kala duwan. Guusha mahadnaq la'aan ahi wax guul ah maaha!

Post a Comment

Previous Post Next Post